DAL DHIIGA IYO XASUUQA LAGU HELO XUKUNKA.
Guud ahaan dalalka caalamka waxa ka jira kooxo hubaysan oo magacyo kala duwan leh kuwaas oo u dagaalama xukunka iyo hoggaaminta dalkaas iyo dadkaas.
Soomaaliya 30 kii sano ee ugu danbeyay waxa soomaray kooxo hubaysan oo kala duwan laakin doonista ka midaysan sida Jamhado, Huggaamiye kooxeedyo, Urur diimeedyo iyo qabqablayaal kuwaas oo magac ahaan iyo mawqif ahaan kala duwanaa laakiin ay midaysay aragtida ah in wadada kaliyee xukunka iyo kursiga lagu gaarayo ay tahay Qoriga iyo qubida dhiigga shacabka soomaaliyeed.
Hadaba Waxa jira xubno madaxtinimada kuso gaaray qoriga Caradiisa iyo qubida dhiiga shacabka.
JAMHADIHII SIDA.
USC, SSDF,SNM iyo RRA intuba waxay gaysteen gabood falo iyo gumaad hadana inta badan Raggii huggaminayay waxay dalka ka qabteen xilalka kal duwan sida xildhimaano wasiiro, taliyaal ilaa madaxwayne.
URUR DIIMEEDYADII.
• shiekh shariif waxa uu ahaa xubin saroo ka tirsan ururka maxaakiimta oo 2006 qabsaday koonfurta iyo bartamaha somaliya ururkaas dagaalo lagalay dawladii kumeel-gaarka ahay oo gacan ka helaysa ciidamo itoobiyaan ah.
Kabibna waa laga adkaaday maxaakiimtii shariif kadib jabkii ururkiisa waxa uu galay siyaasada waxaana 2009 loo doortay madaxweynaha dawlada kumeel-gaarka oo ah tii uu la dirirayay ilaa hadana waa siyaasi xukundoona.
• Ahmed madoobe waa madaxwayne maamul goboleed mudo kabadan 10 sano Waxa uu mar soo ahaa ku xigeenka amiirka al shabaab sidoo kale waxa uu xubin kasoo ahaa ururkii maxaakiimta iyo hugaamihihii jamhadii Raas kambooni dhamaan kooxahas uu katirsana waxay soo galeen dagaalo lagu xasuuqay dad soomaaliyeed ilaa hadana majidho meel lagu max-kamadeyay ama lagaga xisaabtamay dhibtii ay ugaysteen bulshada soomaaliyeed.
•Mukhtaar Roobow waa afhayeen hore iyo wasiir amniyaad oo alshabaab ah 2017 waxa uu ka soo goostay kooxdiisi kadib khilaaf so kala dhexgalay isaga iyo hugaanka sare kooxda waxa uu isu soo dhiibay dawlada macadayn aragtidiisi hore inay qaldanayd mana dalban cafis isla 2018 waxa uu isu so sharaxay madaxweynaha Koonfur galbeed laakin waxa hor istaay dawlada waana laxiray.
Isbadalkii dalka ka dhacay dalka sanadkan 2022 ayaa Roobow usoo waariday wasiirka Diinta iyo awqaafta Wasaaradan qabadashadeedu waxay Roobow oga dhigantahay inuu xukunka caga galiyey gaarayna wax kamida hadafkiisi uu udagaalam.
BAARLAMAANKA.
xubno badan oo baarlamaanka ka mida qoday waxay kasoo diga rogteen Hugaamiye kooxeedyo iyo Qabqablayaal so dagaalamay kuwaas oo abaal marin u helay xidhimaanimo iyo xasaanad joogta sida Muuse suudi, Abdi qaybdiid, Aadan madoobe iyo xubno kalle
Comments
Post a Comment