DAL MADAXTOOYADIISI LAGA QAXAY OO HADANA MAA-GASHI LOO RAADINAYO!!!
Habeenimadii 27 bishaan November kooxda al Shabaab ayaa weerar ku qaaday hotelka Vill Rays ee oo ku yaal xayndaabka Madaxtooyada somalia oo ah aag aad lo ilaaliyo ayna adag tahay in la maro ama si fudud lagu galo.
Weerarkan oo ku bilawday qarax ka dhacay afaafka hore hotelka iyo dagaal toosa oo daba socoday ayaa qaatay wax ka badan 24 saac .
ilaa hada dawladu kama jawaabin halka galoso abaabulay, cida fududaysay iyo cidii fulisay geeri iyo nolol toona.
waxa weerarka ka dhashay wax yeelo isugu jidha dhimasho iyo dhaawac oo sogaray dad Shacab ah iyo xubno dawlada ka tirsan labadaba.
Waxa laso tabiyay in intii weerarku socday madaxtooyada laga saaray madaxweynaha somalia Xasan Sheikh oo la geeyay xayndaabka Xalane oo ah aag ay dagan yihiin hay'addaha qarama midoobay halkaasana u uhoyday habeenkii.
Isla maalintii xigtay oo ah 28 bisha iyadoo wali hawlgalkii socdo madaxweynaha waxa uu ka qayb galay shirka maal-gashiga somalia oo miqdisho lagu qabtay isagoo halkaa kasheegay in dalku ubaahan yahay maal gashi qayraad badana lee yahay.
Hadaba su'aasha soo deg degasa waa dal madaxtooyadisii sababo amni looga cararay cida maal gashanaysa???
Comments
Post a Comment